Sida ay u dhacday geerida Ilyaas oo meydkiisa laga helay iskuulka iyo muuqaallo la helay - BBC News Somali (2024)

Sida ay u dhacday geerida Ilyaas oo meydkiisa laga helay iskuulka iyo muuqaallo la helay - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, QOYSKA ILYAAS

Ilaaliyaha berked lagu dabaasho oo ku taalla dugsiga Visa Oshwal, magaalada Nairobi, ee dalka Kenya ayaa la sheegay in uu ku guuldareystay in uu badbaadiyo arday 11 jir ahaa kadib markii wiilka yar uu ku qaraqmay berkedda oo uu ku dabaalanayay gacanna uu ka waayay waardiyaha, sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Kenya.

Ilyaas Cabdikariim Cali, oo ahaa arday fasalka labaad dhiganayay ayaa loosoo bedelay iskuulkan, maalin uun kahor masiibada nasiib darrada ah.

Maxkamad Nairobi ku taalla ayaa furtay dhageysiga kiiska la xiriira geerida ardayga, iyadoo baarayaasha u oggolaatay agaasinka dambi baarista.

Waaxda Dembi-baarista Kenya ee loosoo gaabiyo (DCI) ayaa xirtay ilaaliyaha bekedda dabaasha ee dugsiga hoose dhexe ee Visa Oshwal kaas oo lagu eedeeyay in uu ku guul daraystay in uu ardayga ka joojiyo in uu galo barkadda dabaasha halkaas oo uu ku qaraqmay kuna geeriyooday.

Garsooraha Maxkamadda Milimani, Geoffrey Onsarigo, ayaa amray Geoffrey Juma Opala in lagu sii hayo xabsiga muddo toddobo maalmood ah, gaar ahaan saldhigga booliska ee Parklands si uu booliska uga caawiyo baaritaannadooda.

  • Arrimaha Soomaaliya ay ka mid tahay ee ay ka shireen madaxda Masar iyo Eritrea

  • Muxuu yahay xanuunka aad dhibsanayso la jooga lamaanahaaga iyo qosolka caruurtaada?

  • Soomaaliya: 'Qalab cusub ayaan u adeegsanaynaa xiriirka diyaaradaha dulmara Somaliland, kii hore waan joojinay'

Sida ay u dhacday geerida Ilyaas oo meydkiisa laga helay iskuulka iyo muuqaallo la helay - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, NTV

"Maxkamadu waxay ogaatay in codsiga booliska ee ah in Opala lagu hayo toddoba maalmood ay tahay mid xaq ah iyadoo la tixgelinayo geerida wiilka yar ee ardayga ah," ayuu yiri xaakim Onsarigo.

Clare Wafula oo ka tirsan booliska ayaa sheegtay in ay baarayaan kiiskan ka dhanka ah Geoffrey Juma Opala oo ay doonayaan inay ku hayaan saldhigga booliska ee Parklands muddo toddoba maalmood ah.

Ms Wafula ayaa sheegtay in maydka Ilyaas Cabdikariim Cali oo 11 jir ahaa laga helay barkadda 20-kii Febraayo, Opalana uu shaqada ku jiray isla maalintaas.

Sidee ayay wax u dhaceen?

Sida ay u dhacday geerida Ilyaas oo meydkiisa laga helay iskuulka iyo muuqaallo la helay - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, QOYSKA ILYAAS

Aadan Maxamuud oo ah adeerka wiilka ayaa isna BBC-da uga warramay sida ay wax u dheceen.

“Subax ayaan ilmaha geynay iskuulka aniga iyo wiilka aabihiis, maalintii ugu horreysay ilmaha ee iskuulkaa ayey eheed, ilaa duhurkii anigaa la joogay inta ay kala qabsanayaan, waan kasoo tagay oo galabtii ayaan soo doonay maalintaas jawigu waxa uu ahaa mid iska caadi ah”.

“Subixii xigay ilmaha aniga ayaa iskuulka geeyay, maaddaama aabahood uu safar aaday, galabtii ayaan haddana doonay waxaana waayay Ilyaas, meel kasta ayaan ka raadiyay oo xitaa macalimiintii ayaan weydiiyay waana weynay, ilmaha kale ayan weydiiyay waxana ay ii sheegeen in markii ugu dambeysay uu u sheegay in uu soo dabaalanayo”.

Intaa kadib Aadan waxa uu sheegay in ilaa meesha lagu dabaasho uu ka raadiyay kadibna uu soo waayay.

Xilliga Aadan uu tagayay meesha lagu dabaasho waxa uu sheegay in ay ku jireen ilaa soddomeeyo carruur ah oo kale.

“Markii aan tagay meesha dabaasha waxa aan weydiiyay ninkii waardiyaha ahaa, waa uu igu qaybliyay waxana uu ii sheegay in maanta aysan ahayn maalinta Ilyaas fasalkiisa ay dabaashaan isla markaana uusan arkin”, ayuu yiri Ilyaas adeerkiis Aadan.

Ilaa waqti dambe ayuu ku gaaray iskuulka Aadan, si uu wiilka u helo iyadoo sida uu sheegay waliba laga raadiyay barkadda dabaasha oo markaasi laga waayay.

Macallimiinta iskuulka ayaa ku qanciyay in la heli doono maaddaama kiisas noocani oo kale ah ay horay u dheceen iyadoo ardayda markaas ay raacaan gawaari kale oo ay ku qaldameen.

“Mar dambe ayaa nalasoo wacay xilli aan ku sugneyn saldhigga booliska anagoo u tagnay in aan soo ogeysiinno dhacdada, balse wicitaan aan helay ayaa la iigu sheegay in wiilkii meydkiisa la helay”.

“Marka aa iskuulka tagay meydka wiilka waxaa lagasoo saaray qol yar oo barkadda dabaasha aan ka fogeyn isagoo markaas dharkiisa aysan ka muuqan wax qoyaan ah, waxa uu u ekaa in uu mar hore dhintay balse la qariyay” ayuu sii raaciyay Aadan.

Sida uu Aadan u sheegay BBC, reerku waxay arrinta la kaashadeen dhakhaatiir si loo hubiyo dhacdada, balse dhakhaatiirtu waxa ay xaqiijiyeen in wiilku biyo ku dhintay, wallow aan la ogeyn in biyaha lagu dilay ama uu ku qarqamay sida ay qoysku sheegeen.

Maxaa kaamirooyinka lagu arkay?

Sida ay u dhacday geerida Ilyaas oo meydkiisa laga helay iskuulka iyo muuqaallo la helay - BBC News Somali (4)

Xigashada Sawirka, Visa Oshwal

Kaamirooyinka loogu tala galay ammaanka ee loo yaqaanno CCTV ayaa laga eegay sidii wax u dheceen, waxaana sida ay baarayaashu sheegeen muuqatay markii wiilka yar uu tagay barkadda dabaasha, kadibna waxaa la arkay isaga oo ay biyuhu quusinayaan markii danbana biyaha ku qarqamay oo sidaa ku geeriyooday.

Baarayaasha ayaa sheegay in Opala "uu si ula kac ah" ugu guuldareystay inuu ka ilaaliyo ilmaha yar inuu galo barkada.

"Markii la ogaaday in Ilyaas la la'yahay, eedaysanaha Opala wuxuu ku guuldareystay inuu ku wargeliyo maamulka dugsiga iyo waalidiinta in marxuumku uu u soo galay dhinaca barkadda dabaasha," ayay tiri Ms Wafula.

Opala ayaa lagu eedeeyay inuu dafiray inuu arkay ilmaha yar kadib markii qoyska wiilka yar ay ku cadaadiyeen inuu sheego halka uu ku sugan yahay iyo goorta ugu dambeysay.

Sida ay sheegtay Ms Wafula, Opala ayaa markii dambe qoyska u sheegay inuu baaray barkadda dabaasha oo uu maydka ka soo saaray kadibna uu la wadaagay qoyska iyo shaqaalaha kale ee iskuulka.

Ms Wafula ayaa sheegtay in baaritaanno horudhac ah oo ay sameeyeen DCI-da lagu ogaaday in ilmaha yar uu u dhintay qarqashada. Wali lama xaqiijin in ay cidi ka dambeysay geerida wiilka iyo in ay si kama' ah u dhacday.

Marxuum Ilyaas Cabdikariim Cali ayaa la sheegay in la waayay fiidnimadii Talaadada markii uu aabbihii u aaday inuu ka soo qaado iskuulka.

Baraha bulshada ayaa habeenkii Talaadada lagu baahiyay qoraallo lagu baadi goobayo Ilyaas iyada oo la sheegay in markii cid ugu war dambeysay uu iskuulka joogay.

Meydkiisa ayaa goor dambe laga helay barkadda dabaasha ee dugsiga abbaare subaxnimadii Arbacada.

Ardaygu waxa uu dhiganayay fasalka labaad ee dugsiga hoose isaga oo loosoo beddelay iskuulkan kahor musiibadan maalin uun kahor.

Sida ay u dhacday geerida Ilyaas oo meydkiisa laga helay iskuulka iyo muuqaallo la helay - BBC News Somali (2024)

References

Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Carlyn Walter

Last Updated:

Views: 6202

Rating: 5 / 5 (70 voted)

Reviews: 93% of readers found this page helpful

Author information

Name: Carlyn Walter

Birthday: 1996-01-03

Address: Suite 452 40815 Denyse Extensions, Sengermouth, OR 42374

Phone: +8501809515404

Job: Manufacturing Technician

Hobby: Table tennis, Archery, Vacation, Metal detecting, Yo-yoing, Crocheting, Creative writing

Introduction: My name is Carlyn Walter, I am a lively, glamorous, healthy, clean, powerful, calm, combative person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.